
Madaxweynaha jamhuuriyada Maraykanka ayaa boqolkiiba 25 saaray badeecadaha ka yimaada Canada iyo Mexico iyo 10 boqolkiiba dhammaan badeecadaha laga keeno Shiinaha
Mareykanka ayaa canshuuro adag ku soo rogay badeecadaha laga keeno Mexico, Canada iyo China waxaana jawaab degdeg ah ka bixiyay dalalka deriska la ah Mareykanka ee Waqooyiga Ameerika.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii saxiixay saddex amar fulin oo kala duwan oo 25 boqolkiiba ku soo rogaya badeecadaha Canada iyo Mexico iyo 10 boqolkiiba dhammaan badeecadaha laga keeno Shiinaha.
Si kastaba ha ahaatee, tamarta laga keeno Kanada, oo aan lagu darin waa saliid, gaas, iyo koronto, waxaa lagu canshuuri doonaa qiime dhan 10%.
Trump waxa uu ku andacoodey in canshuurahaan ay lagama maarmaan u yihiin “in la ilaaliyo Mareykanka” waxa uuna wacad ku maray in uu sii shaqeyn doono canshuuraha ilaa waxa uu ugu yeeray xaalada degdega ah ee qaranka Mareykanka ee la xiriirta daroogada fentanyl iyo socdaalka aan sharciga lahayn.
Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa isla markiiba amar ku bixiyay canshuuraha aargoosiga ah, Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in dalkiisa uu ku soo rogi doono canshuur u dhiganta 25% ilaa $155bn oo Mareykanka laga soo dejiyo.
Ma jirto weli wax jawaab ah oo ka soo baxay Shiinaha, Kristen Salomey oo ka tirsan Al Jazeera, oo ka soo warramaysa Detroit, ayaa sheegtay in ku dhawaaqista Trump ay walaac ku abuurtay labada dhinac ee xadka.
Kanadiyaanka ayaa ka walwalsan arrintan, iyo kuwa Mareykanka ah ee ku sugan Detroit, oo ah halka aan joogo, waxay ka dhawaajiyeen walaac ku saabsan kor u kaca qiimaha. Dhaqaale-yahannadu waxa ay ka digayaan in ku dhawaaqistani ay horseedi karto dagaal ganacsi, kor u kaca qiimaha, iyo suurtogalnimada in Kanada uu hoos u dhaco,” ayay tidhi.