Kooxda Argagixisada Daacish ayaa saaka weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ku soo qaaday saldhig Ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Dharjaale ee Gobolka Bari, halkaasoo maalmo ka hor uu ka bilowday qorshaha duulaanka ka dhanka ah Argagixisada ku dhuumaaleysaneysa dhulka buuraleyda Cal-miskaad iyo Cal-madow.
Sida wararku sheegayaan weerarka ayaa ah kii u horreeyay Daacish ku qaado ciidanka Puntland oo ay u adeegsato gaari qarax oo ah xeelad ay inta badan adeegsadaan kooxaha argagixisada.
Kooxda Daacish ayaa dagaalkaas uga qeyb galay dagaalamayaal ajaaniib soocan, taasoo muujineysa inay dhab tahay shakigii laga qabay in kooxdaas ay u badan yihiin ajaaniib ka kala yimid dalal dhowr ah. Meydadka qaar oo argagixisada uga carareen goobta ayaa ahaa rag ajaaniib ah.
Muddooyinkii u dambeeyay Puntland ayaa waday guluf dagaal oo ka dhan ah Argagixisada Daacish oo si weyn isugu uruursanayay dhulka buuraleyda.