
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ahna Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Shuruucda, Mudane Cabdullaahi Yuusuf Faarax, ayaa maanta si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay agaasimeyaasha cusub ee loo magacaabay waaxyaha muhiimka ah ee wasaaradda.
Xilwareejintan ayaa daba socota isku shaandheyn uu dhawaan sameeyay Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, taas oo ujeedkeedu yahay kor u qaadista habsami-u-socodka shaqooyinka wasaaradda iyo xoojinta hufnaanta hay’adaha amniga.
Xilalka la kala wareejiyay waxaa kamid ah:
1.Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda
Mudane Mukhtaar Mohamed Macow
2.Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dowladda Goboleedyada
Mudane Mohamed Abuukar Calasow
3.Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Nabadgelyada Guud
Mudane Idiris Mohamed Ahmed
Kusimah Agasimah Guud Mudane Cabdullaahi Yuusuf Faarax ayaa sheegay in isbeddelkan uu yahay mid lagu dar-dargelinayo adeegyada wasaaradda, iyadoo la filayo in agaasimeyaasha cusub ay door muhiim ah ka qaataan horumarinta siyaasadda, amniga, iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Munasabadda xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin sare, kuwaas oo ku bogaadiyay agaasimeyaasha cusub hannaanka ay xilalka ula wareegeen iyo masuuliyadda loo igmaday.