Caawa fiidnimada xilliga Geeska Afrika waxay indhaha Caalamka oo dhammi ku wajahan yihiin dhinaca magaalada Washington ee caasimadda dalka Maraykanka halkaas oo ay ka dhacayso xafladda lagu caleema saarayo madaxweynaha kursiga ku soo laabtay ee Donald Trump.
Madaxweynahan oo mar kale loo dhaarinayo in uu afarta sano ee soo socota hoggaamiyo dalka Maraykanka ayaa si rasmiya ugu hawl geli doono aqalka Maraykanka
Madaxweyneyaashii hore ee Maraykanka sida Biil Kilitoon, Jooj Buush, Obama iyo Biden oo xilka ka sii degaya ayaa goob joog caawa ka ahaan doona dhaarinta Donald Trump.
Sidoo kale xafladdan oo aad loo soo agaasimay waxa ka qayb geli doona madaxda saaxiibada la ah ee u janjeedha dhinaca midigta fog sida Raysal wasaaraha Talyaaniga, madaxweynaha Argentina iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska.
Waxa aan iyaguna meesha ka maqnayn oo ka qayb geli doona madaxda ugu sarraysa shirkadaha Caalamka ugu caansan sida Bill Gates, mulkiilaha Face book, maamuulaha Tik tok iyo ganacsadaha ay Trump saaxiibada dhow yihiin ee Elon Musk
Raggan ayaa ahaa kuwii ku deeqay qaadhaanka lagu qabanayo xafaladda caleema saarka madaxweyne Trump taas oo loo ururiyey lacag ka badan 170 Milyan oo Dollar
Martida xafladan ka soo qayb gelaysa ayaa markii hore la filaayey in ay kor u dhaafan laba boqol oo kun oo qof waxase xaalka wax ka beddeshay saadasha Cimilada oo tibaaxaysa in baraf badani ku fadhiisan doono beertii caleema saarka loo asteeyey taas oo sababtay in xaflad loo asteeyo hool kooban oo qaadi kara dad aan ka badnayn 700 oo qof maaddama oo madashu kooban tahay
Dadweynaha ayaa shaashahada Warbaahinta si toosa xafladan ugu daawan doona iyaga la socon doona hadallada halkaas laga jeedin doono
Trump ayaa xafiiska ku soo laabanaya isaga oo soo galay ballamo ay ugu horreeyaan in uu tarxiilkii toddobaadkan ku bilaabi doono dadka sharci darrada Maraykanka ku jooga iyo weliba in uu joojin doono dagaallada Maraykanka saamaynta ku yeeshay ee ka socda daafaha Caalamka.