
Waxaa dalka ku soo badanaya cudurada dhimirka, kansarka, dimenshiya, “autism” ka, macaanka, dhiigkarka, kilyaha, wadnaha, sambabada, qalalka, xasaasiyadda, iyo dhalmo la’aanta.
Waxaa kale oo soo badanaya colaadda, munkarka, abaaraha, barakaca iyo tahriibka, caasi waalidiinta, burburka qoysaska, iyo kaligey iyo kistayda (Kismaayo iyo kistaada camal)
Waxaa sii yaraanaya xiriirinta qaraabada, wadashaqeynta, isfahamka, isaaminka, jaceylka, samirka, isqadarinta, ixtiraamka, iyo isukaalmeynta.
Maxaa noogu wacan ama sababay waxyaabahaas aan soo sheegay?
Waxaa noogu wacan, sida aan qabo, hal arrin oo wax laga qaban karo laakin aan weli loo soo jeedsan: waa Bixinta iyo Qaadashada Ribada
Ribadu waa dulsaarka deynta. Sida ku cad miisaaniyadda dowladda ee 2024, bogga 9aad, waxaan si wadajir ah u bixinay “Interest and other charges”:
2021: $0.6 million
2022: $0.9 million
2023: $5.8 million
2024: $9.8 million
Waa ribo sii kordhaysa. Waa xaaraan iyo dagaal aan kula jirno Allah swt. Dhinaca kale, dakhliga bangiga dhexe waa ribo (fiiri Warbixinta Bangiga Dhexe 2023, bogga 63 (20) iyo Note No. 6)
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَذَرُوا۟ مَا بَقِىَ مِنَ ٱلرِّبَوٰٓا۟ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
فَإِن لَّمْ تَفْعَلُوا۟ فَأْذَنُوا۟ بِحَرْبٍۢ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ۖ وَإِن تُبْتُمْ فَلَكُمْ رُءُوسُ أَمْوَٰلِكُمْ لَا تَظْلِمُونَ وَلَا تُظْلَمُونَ
(Al Baqarah 2:278-9)
Waxaa ribada noo dheer boobka, caddaalad xumi, eexda, musuqmaasuqa, beenta, ballan ka bixidda, iyo qaadashada, qalashada xoolo booli ah.
Waxaan ugu baaqayaa cilmi baarayaasha, aqoonyahanada iyo ardayda daraasaadka sare ee Soomaaliya in ay baaraan, sugaan, cabiraan xiriirka ka dhaxeeya bixinta/qaadashada RIBADA iyo dhibaatooyinka bulsho ee kor ku xusan (conduct a hypothesis testing).
Wa Allaahu swt Aclam,
Dr. Ismail Ali Siad