Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey iskaashiga 2-da dal-

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey iskaashiga 2-da dal iyo Howlgalka Midowga Afrika qeybta ay ka qaadanayaan ciidanka Itoobiya, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya, ka dib wada hadalo shalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa galka arrimaha Itoobiya u dhiibtay wasiiru dowlaha arrimaha dibada, xili ay wali jahawareersan tahay siyaasada dibada ee Soomaaliya.

Bilo kahor, Soomaaliya ayaa Itoobiya cadow u taqaanay, ay sheegaysay in ay howlgalka cusub ka reebi doonto, balse taas ayaa meelmar noqon, xili aan howlgalkaba dhaqaale loo haynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *