
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyaad ee Caasimadda Dalka Boqortooyada Sucuudiga kula saxiixday Heshiiskaan dhiggiisa Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada, Mudane, Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-rajhi.
Sanadkii 2016 ayee aheyd markii horay gabdho soomaali ah loogu qaaday dalkaasi Boqortooyada sacuudiga si ay uga soo shaqeystaan.