War Saxa-fadeed Kasoo Baxay Wasarada Maliyada.

Waxa aan halkaan ku soo gudbinayaa go’aan rasmi ah oo ay gaartay Wasaaradda Maaliyadda oo ku aadan go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee ku taariikhaysnaa 28 Janaayo 2025 ee khuseeyay uruurinta khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka, kuwaas oo la tilmaamay inay dhaqan-galayeen 03 Febaraayo 2025.

Tixgalin taxaddar leh ka dib, waxaan halkaan kugu ogeysiinayaa, iyadoo la raacayo Qodobbada 6(b) iyo 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019 iyo Qodobka 3-aad ee Qaraarka Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) ee Golaha Wasiiradu soo saarayn 21 Agoosto 2024, in Wasaaradda Maaliyadda oo kaliya awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka iyo sidoo kale in dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, laga mamnuucay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda.

Sidaa awgeed, khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka ee la tilmaamay inay dhaqan-galayaan 03 Febaraayo 2025, waxa ay yihiin, loona aqoonsaday waxba kama jiraan, si waafaqsan Sharciga Maamulka Dakhliga 2019, iyo Qaraarka Golaha Wasiiradda ee Maamulka Khasnadda Midaysan ee 21 Agoosto 2024. Sidaa darteed, ururinta khidmadaha noocaas ah waa in la joojiyaa.

Haddaba, haddii Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay rabaan in rakaabka u safraya ama ka safraya Dalka ay qaataan talaal, iyagoo iibsanayaa buugga caafimaadka, waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan codsi rasmi ah, oo ay la socoto qiimeynta maaliyadeed oo khuseeysa tacriifadaha talaalka iyo buugga caafimaadka ee la soo jeediyay. Marka la helo codsigaas, Wasaaradda Maaliyaddu waxay samayn doontaa dib-u-eegis qotodheer, iyadoo la tashanaysa cidda ay khusayso, waxayna soo saari doontaa khidmadaha daruuriga ah kuwaa oo si buuxda u waafaqsan Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019.

Mudane Wasiir, waxaan ku kalsoonahay inaad tixgalinta ay mudantahay siin doonto go’aankaan Wasaaradda Maaliyadda, kadibna aad qaadi doonto tillaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafaqsan shuruucda maamulka dakhliga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *