
Wasiirka Amniga Qaranka XFS Mudane Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Tuuniisiya kaga qeyb-galay shirka 42aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga dalalka jaamacadda Carabta.
Shirkan oo sanadle ah ,ayaa waxaa sanadkan xoogga lugu saaray arrimaha la dagaallanka argagaxisada, ka hortaggada daroogada iyo dinbiyada abaabulan.
Wasiirka Amniga ayaa intii uu shirka socday kulamo gooni gooni ah la qaatay, Wasiirrada Arrimaha gudaha Dalalka Masar, Sareeye Gaas Maxamuud Towfiiq, , Ciraaq sareeye guud Cabdull-amir kaamil Al shimri, Al-jeeriya Mudane Ibrahim Muraad, Saldanadda Cummaan Xamuud Bin Faysal Al-Boo Saciidi, Madaxa interpol sareeye Gaas Dr Axmed Naasir Al-risi iyo xoghayaha guud ee golaha Wasiirada arimaha gudaha carabta, Dr. maxamed Bin Cali Koomaan, waxa uuna warbixin ka siiyay xaaladda Amni ee Dalka , Dagaal Ka dhanka argagixisada iyo guulaha ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka argagaxisada, isaga oo sidoo kale ka codsaday dalalka Carabta in Soomaaliya lugu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada
Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa Tuuniisiya ku wehliyay Taliye xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo La-taliyaha Arrimaha Carabta Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane Ismaaciil Macalin Cabdulle.

