
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu weheliyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Xasan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya (Somalia Donor Group – SDG) oo kala ah: Chris Pycroft (FCDO – UK), Martina Durrer (Switzerland), iyo Anna Saleem (Sweden).
Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dalka, oo ay ka mid yihiin: Dhammeystirka Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025–2029), Horumarinta maalgelin waarta si loo xaqiijiyo joogtaynta mashaariicda, Xoojinta ka-qaybgalka shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo Hormarinta tirakoobka qaran, oo ah aasaaska qorsheynta saxda ah.
Intii kulanku socday, waxaa hoosta laga wada xariiqay doorka muhiimka ah ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ay ku leeyihiin hirgelinta mudnaanta 2025 iyo horumar waara. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in shirka iskuduwidda la qabto Febraayo 2025, si loo mideeyo dadaallada horumarineed iyo istiraatiijiyadaha lagu gaarayo yoolalka mustaqbalka.

