Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la dardaarmay howlwadeenno cusub.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed ayaa maanta shir ku saabsan howlgelin iyo dardaaran la qaatay Xeer Ilaaliyeyaasha cusub ee dhawaan la qaatay, isagoo faray in ay u gutaan waajibaabkooda shaqo si ay ku jirto dhaqan wanaag, karti, daacadnimo, hufnaan iyo ku dhaqanka sharciyada dalka, si loo taamyeelo dowlad-dhiska dalka.

Shirkaan oo ahaa howlgelin iyo dardaaran ku saabsan gudashada waajibaadka Xeer Ilaaliyeyaasha cusub ee dhowaan uu xafiiku qaatay, maadaama ay soo dhammeysteen tababaradii lagama maarmaanka u ahaan howl-gudashada waajibaadkooda Xeer Ilaaliyenimo ayaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu amray in ay bilaabaan gudashada waajibaadkooda shaqo, laga bilaabo 17-02-2025.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *